Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo D/Goboleedyada oo kulmay(SAWIRRO)

Date:

Muqdisho(SONNA):–Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo seddexdii bilba mar la qabto, shirkan oo ay soo qabanqabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee D/Goboleedyada.

Shirkan oo socon doona labo maalin ayaa ujeedadiisu tahay sidii Wasiirada uga arinsan la haayeen Shir-weynaha Qaran ee Arrimaha Dastuurka ee bisha Oktoobar Muqdisho ka furmi doono.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo shirka furay ayaa uga mahadcelyay D/Goboleedyada sida ay uga soo qaybgaleen kulanka.

“Masuuliyad wayn ayaa na saran, waxaan ku faraxsanahay oo aan rajeynayaa in anaga oo aysan dad ajnabi ah nagu dhex jirin sida shirkeenan maanta oo kale aan hawlaheena qabsano oo wadashaqeynteenna xoojinno; waan idinkaga mahacelinayaa ka soo qaybgalkiina waxana kawada hadli doonaa sidii aan isaga kaashan lahayn hawlaha soo socda oo uu ugu horeeyo Shir-weynaha Qaran” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale Wasiirka isaga oo ka hadlayay faa’idada Madashan seddexdii bilba mar la qaban doono ayuu yiri “Waxaad ogtihii in shirkii sedex bil ka hor ee Wasiirada D/Goboleedyada aan la yeelannay qodobadii ka soo baxay ay kamid ahayd in Madashan la aas-aaso oo boqolkii maalinba mar ay qabsoonto, Ujeedada ka dambaysay waa in Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka aan tusno in loo mideysanyahay dib-u-eegista Dastuurka”.

Dhanka kale, Wasiirada D/Goboleedyada oo shirka ka hadlay ayaa warbixin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay boqolkii maalin ee la soo dhaafay, sidoo kale waxa ay Wasaaradda uga mahadceliyeen qaban-qaabada shirka madasha.

Gabagabadii, shirkan ayaa beri soo xirmi doono waxaana ka soo bixi doona War-murtiyeed.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...