Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo D/Goboleedyada oo kulmay

Date:

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo seddexdii bilba mar la qabto, shirkan oo ay soo qabanqabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee D/Goboleedyada.

Shirkan oo socon doona labo maalin ayaa ujeedadiisu tahay sidii Wasiirada uga arinsan la haayeen Shir-weynaha Qaran ee Arrimaha Dastuurka ee bisha Oktoobar Muqdisho ka furmi doono.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo shirka furay ayaa uga mahadcelyay D/Goboleedyada sida ay uga soo qaybgaleen kulanka.

“Masuuliyad wayn ayaa na saran, waxaan ku faraxsanahay oo aan rajeynayaa in anaga oo aysan dad ajnabi ah nagu dhex jirin sida shirkeenan maanta oo kale aan hawlaheena qabsano oo wadashaqeynteenna xoojinno; waan idinkaga mahacelinayaa ka soo qaybgalkiina waxana kawada hadli doonaa sidii aan isaga kaashan lahayn hawlaha soo socda oo uu ugu horeeyo Shir-weynaha Qaran” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale Wasiirka isaga oo ka hadlayay faa’idada Madashan seddexdii bilba mar la qaban doono ayuu yiri “Waxaad ogtihii in shirkii sedex bil ka hor ee Wasiirada D/Goboleedyada aan la yeelannay qodobadii ka soo baxay ay kamid ahayd in Madashan la aas-aaso oo boqolkii maalinba mar ay qabsoonto, Ujeedada ka dambaysay waa in Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka aan tusno in loo mideysanyahay dib-u-eegista Dastuurka”.

Dhanka kale, Wasiirada D/Goboleedyada oo shirka ka hadlay ayaa warbixin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay boqolkii maalin ee la soo dhaafay, sidoo kale waxa ay Wasaaradda uga mahadceliyeen qaban-qaabada shirka madasha.

Shirkan ayaa berri soo xirmi doono waxaana ka soo bixi doona War-murtiyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...