Guddoonka Aqalka sare oo qaabilay Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulankan ay wada yeesheen Guddoonka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya oo uu wehliyo ku xigeenka Safiirka ayaa ku saabsanaa howlaha Aqalka sare ka socda iyo sidii Dowladda Jarmalku ay gacan uga siin lahayd horumarinta howlaha horyaala Golahan oo ah hay’ada Dalka ku cusub.

Kulanka markuu soo geba geboobey waxaab Warbaahinta Qaranka la hadashay Safiirka Jarmalka u fadhisa Soomaaliya Ms.Jutta Frasch waxayna sheegtay in Soomaliya iyo Jarmalka uu ka dhaxeeyo xiriir soo jirayn ah.

“Aaad baad ugu faraxsanahay in aad soo booqdo xarunta cusub ee Goalah aqalka sare,waxaan ka imid dalka jermalka ooo ah wadan federal ah,muddo sanado ah, waxay leedahay dhaqan soo jireen ah,sidaasi darteeda waxaan ka wada hadalnay guddoonka sidii xiriir uu u dhexmari lahaa labada dhinac,waxaana aan u sheegay in ahmiyadd la siyo sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada siyaasadda arrimaha dibadda,waxaan u rajaynayaa golaha baarlamaanka in ay u horseedaan shacabka soomaaliyeed sidii ay isugu keeni lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, si loo heli dowlad xooggan”,

Safiiradda oo sii hadlaysay ayaa tiri “Dowladda Jarmalka waxay diyaar u tahay sidii ay u caawin lahaa Dowladda Soomaaliya, waxaan qorsheynaynaa in aan maalgashi ku sameysano,waxaana aamainsanahay in dalka Soomaaliya uu yahay wadan aad u muhiimsan marka laga hadlayo gobolka Geeska Africa’, ayay tiri Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya

Ilyees Cali Xasan guddoomiyaha guddiga Qeyraadka Qaranka,kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay iskaashiga iyo wadashaqeynta baarlamaanada labada Dal,maadaama Jarmalka uu ka mid yahay wadamada ku dhaqma nidaamka Federaalka ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo...

Soomaaliya iyo Liibiya oo Xoojiyey Xiriirkooda Diblamaasiyadeed ka dib Wadahadallo ku dhexmaray Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...