Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa  magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi, waxana ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac iyo mashaariic ay dawladda Shiinuhu ka fulineyso Soomaaliya.

Kulankan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka labada dawladood, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda iyo taageerada dib-u-dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi uga mahad celiyay kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, wuxuuna cadeeyey sida loogu baahan yahay in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada waddan.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee arrimaha Soomaaliya iyo Shir kale oo isna looga hadlayey Abaaraha. Iyadoo ay shirarkani ka soo qeyb galeen in ka badan 98 waddan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta oo jimco ah khudbad ka jeedin doona shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...