Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan gaar ah kula qaatay New York Madaxweynaha Turkiga

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulamo gaar gaar ah kula yeeshay magaalada New York qaar ka mid ah madaxda caalamka ka socotay ee ka qeyb galeysa shirka guud ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan ayaa ugu mahad celiyay shacabka iyo Dawladda Turkiga taakulaynta aan hagarta lahayn ee ay siiyaan Soomaaliya.

“Soomaaliya marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre mar uu la hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii Argagaxisada iyo dagaalkii sokeeye. Waxaana u tilmaamay baahida loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo tayeeyo hay’adaha Amniga si loo gaaro nabad waarta.

Madaxweyne Erdogan ayaa qiray dhankiisa horumarka la taaban karo ee Dawladda Soomaaliya ay gaartay mudada kooban.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...