Militariga Soomaaliya oo loo tababaray habka loola dagaalo Askareynta Caruurta Xiliyada dagaalka

Date:

Muqdisho (SONNA) Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay Tababar la siinayay 60 askari oo ka tirsan ciidmada amniga dalka, Iyadoo lagu baranayay ka hortaga Askareynta Caruurta xiliyada dagaalka.

Tababarkan oo socday labo Todobaad ayaa waxaa ka soo qeyb galay Saraakiil ka socday Ciidamada Militariga iyo Booliska, Ururada aan dowliga ahayn iyo xubno ka socday Maamul goboleedyada dalka, waxaana tagaeerayay dowlada Ingiriiska iyo Ururka lagu magacaabo Romeo Dallaire oo ka hortaga askareynta caruurta ayagoo usoo marinayo Dalhousie University ee Canada.

“Waa inaan ka badbaadinaa caruurtan in loo tababaro fikiradaha Guracan ee Argagaxisada iyo in ay geystaan falal dambiyeedyo ay u geysanayaan dadkooda,Dalkooda iyo Dariskooda” Sidaas waxaa yiri wakiilka AMISOM ee Somaaliya Francisco Caetano Madeira asgaoo ka soo qayb galay xiritaankii tababarka.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in askareynta caruurta ay aad ugu badan tahay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in baahi weyn loo qabo in la helo tirada rasmiga ah ee caruuta ka dagaalamayso dalka.

Tababarkaan oo xooga lagu saarayay ogaanshaha ama soo saarista caruurta askarta ah iyo sidii looga hortagi lahaa ayaa waxay isku raaceen dhamaan madaxdii ka soo qeyb gashay in ay muhiim tahay caruurtaasi in ay helaan Wacyi galin iyo in Noloshooda dib loo habeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...