Kulan lagu soo Bandhigayay Dhibaatooyinka ka jira Baddaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Xarunta Hay’adda Cilmi Baarista baddaha Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu soo bandhigayay dhibaatooyinka culus ee kajira baddaha Soomaaliya, waxaana kamid ahaa dhibaatooyin kaasi in si sharci daro ah ay Maraakiib iyo doomaha laga leeyahay wadama shisheeye uga kaluumeystaan baddaha Soomaaliya iyo sidoo kale in Haamo ama Booyado ay ka buuxaan sun halis ah lagu soo shubo baddaha taas oo halis ku ah caafimaadka dadka iyo duunyada.

kulankani waxaa goob joog ka ahaa wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliyeed.

kulanka kadib ayaa masuuliyiinta waxa ay kormeer ku sameeyeen Machadka Akadeemiyada Culuumta Badda ee Khaliif Macow, kaas oo ku yaalla Degmada Cabadacaziis, Wasiir Khaloocow ayaa kormeeray fasalada Machadkan oo ay si lacag la’aan ah wax uga bartaan arday aad u badan, Wasiirka iyo Guddoomiyaha Cilmi baarista baddaha Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay ardayda wax ka barata akadeemiyada culuumta Badda Khaliif Macow in ay xooga saaraan sidii bulshada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa ka faa’ideysiga qeyraadka badda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka kobaad ee dalka oo codkiisa saakay ka dhiibtay D.Hodan ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday...