Kulan lagu soo Bandhigayay Dhibaatooyinka ka jira Baddaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Xarunta Hay’adda Cilmi Baarista baddaha Soomaaliyeed ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay kulan lagu soo bandhigayay dhibaatooyinka culus ee kajira baddaha Soomaaliya, waxaana kamid ahaa dhibaatooyin kaasi in si sharci daro ah ay Maraakiib iyo doomaha laga leeyahay wadama shisheeye uga kaluumeystaan baddaha Soomaaliya iyo sidoo kale in Haamo ama Booyado ay ka buuxaan sun halis ah lagu soo shubo baddaha taas oo halis ku ah caafimaadka dadka iyo duunyada.

kulankani waxaa goob joog ka ahaa wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliyeed.

kulanka kadib ayaa masuuliyiinta waxa ay kormeer ku sameeyeen Machadka Akadeemiyada Culuumta Badda ee Khaliif Macow, kaas oo ku yaalla Degmada Cabadacaziis, Wasiir Khaloocow ayaa kormeeray fasalada Machadkan oo ay si lacag la’aan ah wax uga bartaan arday aad u badan, Wasiirka iyo Guddoomiyaha Cilmi baarista baddaha Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay ardayda wax ka barata akadeemiyada culuumta Badda Khaliif Macow in ay xooga saaraan sidii bulshada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa ka faa’ideysiga qeyraadka badda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...