DonaldTrump”Waan baabi’inaynaa Waqooyiga Kuuriya hadii ay khatar nagu noqoto

Date:

Muqdisho(SONNA) Donald Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa khudbadii ugu horeysey ee uu ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ku sheegey in caalamka ay jaah wareeriyeen wadamo kooban oo qas wadayaal ah, loona baahan yahay in caalamku u midoobo siddii loo jebin lahaa.

Wuxuu Kuuriyada Waqooyi ku dhaliilay dadaalka ay ugu jirto in ay sameysato hubka nukliyeerka, waxaanu sheegey in uu baabi’in doono wadankaas haddii Mareykanku uu khatar ka dareemo.

Mr Donald Trump ayaa sidoo weerarey Iiraan iyo waxa uu ugu yeeray hogaankeeda dilaaga ah, waxa uu yiri Iiraan waxay isku dayday in ay deganaansho la’aan ka abuurto Bariga Dhexe oo dhan.

Donald Trump waxa uu ugu baaqay Iiraan in ay dadkeeda ilaashato oo aanay taageerin kooxaha Argagaxisada ah.

Dowladda Iiran ayaa jawaab kulul ka bixisay khudbadii Trump ee golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Maxamed Javad Zarif waxaa u hadalka Trump ku tilmaamay hadal nacayb ah oo jaahilnimo ka muuqato, oo aan looga baahneyn Qaramada Midoobay xilligan lagu jiro qarniga 21-aad.

Madaxweynaha Iiran Xassan Ruuxaani oo arinkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maraykanka uu waayi doono kalsoonida ay dunidu ku qabto hadii u ka laabto heshiiska barnaamijka nukliyeerka ee Iiran lala gaaray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...