Arady Soomaliyeed oo ka qalinjebisay Kuliyadda Injineerinka ee Jaamacadda Suudaan+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Xafladan oo ay ku qalan jibinayeen arday Soomaaliyeed oo gaareysay ilaa 30 arday ayaa waxey ka dhacday gudaha Jaamacadda Suudan kuliyadeeda injineerinka, iyagoo ardayda qalan jibisay ay isugu jirtay kuwa dhameeystay heerka Koowaad ee jaamacadda iyo heerka Labaad ee jaamacadda,

Waxaana ka soo qeyb galay Xafladda boqolaal ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Suudaan, Jaaliyadda Soomaaliyeed, Salaadiin , Xubno ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn waxaa Xafladda hadal ka jeediyay Guddoomiyaha soo qaban qaabiyay Xafladda Cabdi Khaaliq Maxamed Maxamuud isagoona u mahadceliyay dhamaan ka soo qeyb galayaasha xaflada.

Qaar kamid ah ardaydii Soomaaliyeed oo halkaasi ka qalin jabiyay ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay ku faraxsan yihiin guusha ay ka gaareen waxbarashadooda,iyagoo muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay wixii ay barteen kaga qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Dalka Suudaan ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya ka taageera dhanka waxbarashada,waxaana halkaasi wax ka barta boqolaal arday Soomaaliyeed oo deeqo waxbarasho ka heley Dowladda Dalkaasi Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...