Arady Soomaliyeed oo ka qalinjebisay Kuliyadda Injineerinka ee Jaamacadda Suudaan

Date:

Xafladan oo ay ku qalan jibinayeen arday Soomaaliyeed oo gaareysay ilaa 30 arday ayaa waxey ka dhacday gudaha Jaamacadda Suudan kuliyadeeda injineerinka, iyagoo ardayda qalan jibisay ay isugu jirtay kuwa dhameeystay heerka Koowaad ee jaamacadda iyo heerka Labaad ee jaamacadda,

Waxaana ka soo qeyb galay Xafladda boqolaal ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Suudaan, Jaaliyadda Soomaaliyeed, Salaadiin , Xubno ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan iyo waliba qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn waxaa Xafladda hadal ka jeediyay Guddoomiyaha soo qaban qaabiyay Xafladda Cabdi Khaaliq Maxamed Maxamuud isagoona u mahadceliyay dhamaan ka soo qeyb galayaasha xaflada.

Qaar kamid ah ardaydii Soomaaliyeed oo halkaasi ka qalin jabiyay ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay ku faraxsan yihiin guusha ay ka gaareen waxbarashadooda,iyagoo muujiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay wixii ay barteen kaga qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Dalka Suudaan ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya ka taageera dhanka waxbarashada,waxaana halkaasi wax ka barta boqolaal arday Soomaaliyeed oo deeqo waxbarasho ka heley Dowladda Dalkaasi Suudaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...