R/wasaaraha Soomaaliya oo Mareykanka kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibada Ruushka “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray Dalka Mareykanka, iyagoo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo madax kale oo dowladaasi ka tirsan.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruusha Sergey Lavrov, ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee  labada dal ka dhaxeeya iyo sidii Dowladda Russia ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dhismaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo qalabeyntooda.

Wafdiga labada dhinac ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la kordhiyo kulamada ay yeelanayaan masuuliyiinta labada dowladood, si loo adkeeyo xiriirka muddada dheer jira ee Soomaaliya iyo Ruushka ka dhaxeeya.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...