Shir looga hadlayay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo lagu qabtay Jabuuti-SAWIRRO

Date:

Jabuuti (SONNA) Shirkani oo looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Yeman ayaa lagu qabtay Caasimadda Dalka Jabuuti, waxaana kasoo qeyb galay Madaxda ugu sareysa Hay’ada Qaxootiga Aduunka ee UNHCR, Hay’ada Socdaalka Aduunka ee IOM, Guddomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka Soomaaliya iyo Safiiro ka socda wadamada Soomaaliya iyo Yeman.

Madaxdii shirkaasi kasoo qeyb gashay ayaa waxa ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee nolosha Qaxootiga Soomaaliyeed ee kusugan wadanka Yemen iyo dhibaatooyinka heysta.

Guddomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka Soomaaliya Ahmed Daahir Cabdikariim Nuur oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in la isku afgartay in dalka dib loogu soo celiyo qaxootiga Soomaliyeed ee ku sugan Yeman ee doonaya inay dalka kusoo laabtaan, lana siin doono dhaqaalihii ay kusoo laaban lahaayeen, halka kuwa doonaya inay Yeman joogaana laga Taageeri doono dhinaca nolosha inta ay iska bedelayso xaalada amaan ee wadanka Yeman.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaa ku daray in Hay’adda Qaxootiga Qaranku ay ku Guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso dad badan oo Soomaali ah oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaala dalka Yeman.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...