Shir looga hadlayay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo lagu qabtay Jabuuti-SAWIRRO

Date:

Jabuuti (SONNA) Shirkani oo looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Yeman ayaa lagu qabtay Caasimadda Dalka Jabuuti, waxaana kasoo qeyb galay Madaxda ugu sareysa Hayโ€™ada Qaxootiga Aduunka ee UNHCR, Hayโ€™ada Socdaalka Aduunka ee IOM,ย Guddomiyaha Hayโ€™ada Qaxootiga Qaranka Soomaaliya iyo Safiiro ka socda wadamada Soomaaliya iyo Yeman.

Madaxdii shirkaasi kasoo qeyb gashay ayaa waxa ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee nolosha Qaxootiga Soomaaliyeed ee kusugan wadanka Yemen iyo dhibaatooyinka heysta.

Guddomiyaha Hayโ€™ada Qaxootiga Qaranka Soomaaliya Ahmed Daahir Cabdikariim Nuur oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in la isku afgartay in dalka dib loogu soo celiyo qaxootiga Soomaliyeed ee ku sugan Yeman ee doonaya inay dalka kusoo laabtaan, lana siin doono dhaqaalihii ay kusoo laaban lahaayeen, halka kuwa doonaya inay Yeman joogaana laga Taageeri doono dhinaca nolosha inta ay iska bedelayso xaalada amaan ee wadanka Yeman.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaa ku daray in Hayโ€™adda Qaxootiga Qaranku ay ku Guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso dad badan oo Soomaali ah oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaala dalka Yeman.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...