Shir looga hadlayay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo lagu qabtay Jabuuti

Date:

Shirkani oo looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Yeman ayaa lagu qabtay Caasimadda Dalka Jabuuti, waxaana kasoo qeyb galay Madaxda ugu sareysa Hay’ada Qaxootiga Aduunka ee UNHCR, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, Guddomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka Soomaaliya iyo Safiiro ka socda wadamada Soomaaliya iyo Yeman.

Madaxdii shirkaasi kasoo qeyb gashay ayaa waxa ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee nolosha Qaxootiga Soomaaliyeed ee kusugan wadanka Yemen iyo dhibaatooyinka heysta.

Guddomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka Soomaaliya Axmed Daahir Cabdikariim Nuur oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in la isku afgartay in dalka dib loogu soo celiyo qaxootiga Soomaliyeed ee ku sugan Yeman ee doonaya inay dalka kusoo laabtaan, lana siin doono dhaqaalihii ay kusoo laaban lahaayeen, halka kuwa doonaya inay Yeman joogaana laga Taageeri doono dhinaca nolosha inta ay iska bedelayso xaalada amaan ee wadanka Yeman.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaa ku daray in Hay’adda Qaxootiga Qaranku ay ku Guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso dad badan oo Soomaali ah oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaala dalka Yeman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeybgalay munaasabad isugu jirtay soo-dhaweyn iyo sagootin Aas-aaska Ciidanka Booliska

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...