Shir looga hadlayay Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo lagu qabtay Jabuuti

Date:

Shirkani oo looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Yeman ayaa lagu qabtay Caasimadda Dalka Jabuuti, waxaana kasoo qeyb galay Madaxda ugu sareysa Hay’ada Qaxootiga Aduunka ee UNHCR, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, Guddomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka Soomaaliya iyo Safiiro ka socda wadamada Soomaaliya iyo Yeman.

Madaxdii shirkaasi kasoo qeyb gashay ayaa waxa ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee nolosha Qaxootiga Soomaaliyeed ee kusugan wadanka Yemen iyo dhibaatooyinka heysta.

Guddomiyaha Hay’ada Qaxootiga Qaranka Soomaaliya Axmed Daahir Cabdikariim Nuur oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in la isku afgartay in dalka dib loogu soo celiyo qaxootiga Soomaliyeed ee ku sugan Yeman ee doonaya inay dalka kusoo laabtaan, lana siin doono dhaqaalihii ay kusoo laaban lahaayeen, halka kuwa doonaya inay Yeman joogaana laga Taageeri doono dhinaca nolosha inta ay iska bedelayso xaalada amaan ee wadanka Yeman.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaa ku daray in Hay’adda Qaxootiga Qaranku ay ku Guuleysatay in ay dalka dib ugu soo celiso dad badan oo Soomaali ah oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaala dalka Yeman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...