Guddoonka golaha shacabka oo magacaabay guddiga loo xil saaray arinta Qalbi dhagax

Date:

Guddoonka golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay magacyada guddiga loo xilsaaray go’aankii xukuumadda Soomaaliya ee ku aadanaa arinta C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax).

Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaan ah Xildhibaano ayaa lagu wargeliyay inay warbixin tifaftiran ka soo diyaariyaan kiiskan iyo qaraarkii Xukuumadda ka soo baxay 6-dii bishan.

Waxaa lagu wargeliyay dhamaan hey’adaha ay quseyso inay u fududeyaan, gacana ku siiyaan howlahooda.

Guddigan ayaa la faray in labo maalmood gudahood ay ku howl galaan, kulankooda koowaadna uu qabsoomo 21-ka bishan September.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...