Dibad baxyo looga soo hor jeedo xaqsuuqa Muslimiinta Rohinga oo ka dhacay K/Africa

Date:

Boqolaal kamid ah bulshooyinka Muslimiinta ah ee kunool Dalka Koonfur Africa oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa sameeyey banaan baxyo ballaaraan oo looga soo hor jeedo xasuuqa lagu haayo shacabka muslimiinta ah ee Rohingya ee Dalka Myanmar.

Waxaa kamid ah magaalooyinka dibad baxyadaasi ay ka dheceen Cap Town iyo Pretoria iyo Johanesbeeg, kuwaasi oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn,iyo xarumaha Dowladda,waxayna ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ah gumaadka lagu hayo Muslimiintasi Rohingya.

Dadkani oo isugu jiray culimaaโ€™udiin,dhalinyaro iyo qeybaha bulshada ayaa ku baaqey in si deg deg ah loo joojiyo,iyadoo Qaramada Midoobey iyo Dowladda Mynmar in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi.

โ€œWaxaan halkani isugu soo baxnay waxay tahay, waxaana ka soo horjeednaa xasuuqa loo geysanayo dadka muslimiinta ah oo walaaleheena ah,dad cadownimo islaam ah lafaha ka gashey ayaa geysanaya,waxaan ugu baaqeynaa Qamarada midoobey iyo Dowladda Myanmar in ay si dhaqsi leh ay wax uga qabtaan gabood falkaasi,arrintaasi ayaan isugu soo baxnayโ€, sidaasina waxaa ku yiribanaan baxyaashaasi oo Soomaaliya ay ku jirto.

Dadkani oo ayaa watay boorar ay ku qornaayeen sawirada Muslimiinta Rohinga oo dhibaatooyinka loo geysanayo iyo haweeneyda madaxweynaha ka ah Dalkaasi,waxaana sawirka micno ahaan laga dareemayaa in hogaamiyaha Barma Ansn Suki looga baahan yahay in Dowladeedia y wax ka qabato arrintaasi.

Madaxda Muslimiinta ah ee ku nool Koonfur Africa ayaa warqad qoraal ah oo ay ku codsanayaan joojinta xasuuqa Rohingya u gudbiyay Safaaradda Dalkaasi ee Koonfur Africa

Kumanaan ayaa ka barakacay guriyohooda,iyadoo boqolaal kale si yabooyin kala duwan dil wadareed loogu geystay dalka Barma,kumanaan qoys oo ka gudbay xadka ay wadaagaan labada dal Myanmar iyo Bangladesh ayaaย  ku sugan gudaha dalkaasi Bangaladhesh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...