Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Date:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) waxay si dhow ula socotaa, kana muujinaysaa walaac iyo murugo qoto-dheer colaadda iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, taasi oo sababtay khasaare naf iyo maalba leh oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku dhex maray beelo walaalo ah Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo falalka beegsiga ah ee sababay dhimasho, dhaawac, gubid, dhac hantiyeed iyo sidoo kale barakac baahsan oo soo gaaray shacabka deegaanka.

Waxaa tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayaa dadka Baraha Bulshada ku faafinaya falalka foosha xun ee kicinta iyo iskudirka bulshada xambaarsan.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle inay door muuqda ka qaataan joojinta colaadda, adkaynta nabadda, xoojinta wada noolaanshaha bulshada iyo ka shaqaynta

xal waara oo lagu soo afjaro khilaafaadka jira.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay Alle SWT uga baryaysaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo dhammaan intii ku geeriyootay dhacdooyinkan murugada leh, dhaawacyadana u boogo-dhayo, shacabka ay dhibaatadu saameysayna ka dulqaado xaaladaha adag ee ay wajahayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...