Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Kismaayo uga qeyb galay kulan dadweynaha lagu fahamsiinayey shuruucaha dalka

Date:

Barnaamijkan  wacyi galinta ah oo dhammaan  dad weynaha dowlad goboleedyada dalka oo  lagu fahamsiinayo shuurucda dalka oo uu ka mid yahay hannaanka shaqo ee xeer ilaalinta guud ee qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada kismaayo  ee xarunta kumeel gaarka ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulankaan waxaa ka qayb galay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr  Axmed Cali Dahir ,xeer ilaaliyaha maxkamadda  gobolka  Jubbada hoose Cabdicasiis Maxamed sheikh Maxamed Abdi oo kamid ah garsoorayaasha maxkamadda racfaanka iyo marti sharaf kale oo qaybaha bulshada laga soo xulay.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaran Dr Axmed Cali Daahir oo daah furay kulankaan wacgi giant iyo sare u qaadista fahamka nidaamka shaqo ee xeer ilaalinta qaranka ayaa sheegay in ujeedada kulankaan ay tahay sidii bulshada loo fahamsiin laha cadaaladda iyo habka shaqo ee hay’adaha garsoorka dalka.

Xeer ilaaliyaha Gobolka Jubbada hoose Cabdicasiis maxamed ayaa dhankiis sheegay in muhiim tahay in wacyi galinta shacabka la joogteeyo ay sahli karto baraaruga shacabka iyo doorka ay ku leeyihiin ka shaqeynta cadaaladda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...