Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray New York

Date:

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno la socda ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, kuwaa oo  horudhac u ah wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maalinta berri lagu wado inay u kicitimaan New York

Yuusuf Garaad oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu horu dhac u yahay wafdi Wasiiro ka kooban oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre.kuwaa oo ka Qeeb Gali Doono Gulaha Guud ee Qramada midoobay,

“Waxaan hordhac u ahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga oo hoggaaminaya wafdi Wasiirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan”ayuu yiri Yuusuf Garaad qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii u horeysay ka qeyb geli doona shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey, iyadoo shirkan uu ka baaqday Madaxweyne Farmaajo.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in maanta shirar  gooni gooni ay ay la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Caalamka oo hirkaan ka qeyb galaya.

Dhinaca Kale Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa New York kaga qeyb galaya Shir kale oo soo qaban qaabisay Dowladda Maraykanka kaas oo sanadkiiba mar dhacx-mara Maraykanka iyo qaar ka mid ah Dowladaha Muslimka ah waxaana looga hadlaa sida Maraykanka iyo Muslimiinta isaga kaa shaan lahaayeen amniga.

Madaxda shirkaasi ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah hogaamiyaal Dowladda Maraykanka ay muwaadiniintooda ka mamnuucday in Maraykanka u safraan sida Soomaaliya, Ciraaq iyo kuwa kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...