Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo daah furtay mashruuca horumarinta Kalluumeysiga

Date:

Ku simaha Wasiirka ahna wasiir ku xigeenka Wasaaaradda  Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Omar Abshirow, ayaa maanta daah furay mashuuc lagu horumarinayo  kuluumeysatada  dalka isla markaana ay la  gaashanayaan Hay”adda NRC, kaasi oo ah xarumo  lagu kaydinayo  kauluunka iyo dayactirka kawaanka Xamarweyne.

Mashruucan ayaa  waxaa uu  ka koobanyahay sadax qeybood oo  muhiim ah kaasi   oo lagu horumarinayo wax soo saarka khayraadka ku jira Baddeena.iyadoo Wasiirka iyo masuulayiinta wasaaradda ay kormeereen qeybaha  kawaanka kuluunka degmada Cabdisiis iyo xeebta Curubo oo ay kaluumeysatada  ay kala soo dagaan kuluunka ay ka soo jalaabtaan Badda.

Ku simaha Wasiirka Ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kaluumeysiga kheyraadka Badda Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in mashruucan ay ka faa”iideysan doonaan kuluumeystada Soomaaliyeed tasoo ujeedadiisa ay tahay kor u qaadidda wax soo saarka dalka.

Mashruucan ayaa sadaxda qeyb  ay sheegtay wasaaradda kaluumeysiga  in sadaxd bilood gudahooda lagu hergalin doono, waxuuna qeyb ka qaadan doonaa talaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso shaqa abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo kor u qaadista wax soo saarka dalkeena.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...