R/Wasaare ku xigeenka oo soo xiray tababar ku saaabsan hababka doorashooyinka+Sawirro

Date:

Tababarkan oo ku saabsanaa hababka doorashooyinka iyo nuuca doorasho ee Somaaliya ku haboon ayaa waxaa soo xiray R/Wasarae ku ixgeenka dalka Maudane Mahdi Maxamed Guuleed iyadoo ay kasoo qeybgaleen muddo 3-maalmood ah oo uu socday wakiilo ka kasocday hay’adaha qaabilsan arimaha doorashooyinka iyo Xafiisyada M/weynaha iyo R/Wasaaraha iyo xubnaha Guddiga madaxa bannaaan ee doorashooyinka Qaranka oo iyagu tababarka soo qaban qaabiyay.

Lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca doorashiooyinka iyo Dimuqaardiyeynta mudane Maxamed Cabdirisaaq oo ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa bogaadiyay sida Guddiga ay ugu howlan yihiin in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo  cod ah.

sidookale  latliyaha Wasaardda arimaha gudaha Somaaliya ee dhinaca sharciga Cali Maxamed Xareed iyo lataliyaha Wasaaradda arrimaha adstuurka Sahro cali Xasan oo iyaguna kamdi ahaa dadkii tababarka ka qeybgalay ayaa sheegay in wax badan laga faa’iiday loona baahan yahay in dowladda iyo shacabkaba ay isku duubnaan muujiyaan si looga miro dhaliyo qorsha loogu diyaar garboobayo doorasho qof iyo cod ah in dalka ay ka dhacdo sanadka 2020.

R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuuleed  oo ugu dambeyn hadlay ayaa xusay in hadii go’aan laga gaaro nuuca doorasho ee Somaaliya ku haboon ay fududaaneyso in la diyaariyo sharciga doorashooyinak oo dalka muhiim u ah isagoo dhanka kalana sheegay in xukuumadu bogaadineyso sida guddiga ay usoo bandhigeen hababka doorashooyinka aduunka si loo go’aamiyo mida ay Soomaaliya qaadaneyso.

Tababarkan la xiriirayay hababaka kala duwan ee doorashooyinka ayaa qeyb ka ah dadaalo Guddiga madaxabanaaan ee doorashooyinka Qaranka uu ugu diyaar garoobayo in doorasho qof iyo cod ah dalka la gaarsiiyo sanadka 2020.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...