Wefdi uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka oo gaarey Dalka Suudaan

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa Magaaladda Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudaan gaaray Wafddi uu hor kacayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Abdalla Cawad,waxaana siweyn loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Wefddiga guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golah Shacabka waxaa kamid ah,Xildhibaan Abdirashiid Maxamed Xidig,Xildhibaan Abdirahmaan Maxamed Suge iyo waliba Xildhibaanad Ikran Yuusuf Hersi waxaane Garoonka Caalamiga ee Khartuum kusoo dhaweeyen madax ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu hor kacayo Uqeybsanaha Hidaha iyo Tacliinta sare ee Safaaradda Dr Cabdi Qaadir Guulane iyo Uqeybsanaha Arrimaha Ganacsiga Cabdi Xakiim Luqmaan Haaji Maxamed iyo walba Uqeybsanaha Warfaafinta ee Safaaradda Fiidow Maxamuud Fiidow.

Soo dhaweynta ka dib Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Abdalla Cawad oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Suudaan u yimadeen inay ka qayb galkaan Shir weynaha golaha fulinta ee urur Gobaleedka IGAD ee dhanka iskaashiga Barlamaanka

Shirkaan ayaa lagu wadaa in furmo maanta iyadoone lagu wado in looga hadlo arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyaan Amniga iyo isbadalada Cimalada Geeska Afrika oo Soomaaliya ay kujirto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...