Wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo bilaabatay

Date:

Waxaa goor dhow bilowday wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedya Hirshabeelle, iyadoo ay u soo baxeen labo musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Daahir Cabdulle Cawaale, kuwaasi oo wareggii kowaad ee tartanka kala helay codad dhan 45 Maxamed Cbadi Waare halka musharax labaad uu isna helay Daahir Cabdulle Cawaale 20.

Waxaa tartanka isaga haray ilaa iyo lix musharax.

Xildhibaannada ayaa markale u codeynaya musharixiinta isugu soo haray tartanka wareegga labaad ee xilka Madaxtinimada ee Hirshabeelle.

18 mudane codadkooda ayaa halowday kaddib markii uu sheegay guddiga doorashada inay hareer martay sharuucdii doorashada u degsaneyd.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Abuukar Bacadle ayaa ku so waramay in adeeggii korontada ay ka tegtay hoolka ay doorashada ka socotay, balse aan loo joogsin ciladda yar ee ku timid korontada, ay si habsami leh u socoto doorashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...