Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in ay bilaabayaan howlgallo lagu sifeynayo Al-shabaab.

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku joogo Gobolka Gedo ayaa gaaray Magaalada Beled-Xaawo,isagoo booqday Xero Ciidan oo ay Ciidamada Darawiishta Jubbaland ku leeyahiin duleedka Magaalada Beled-Xaawo,halkaas oo dhawaan ay weerar ku qaadeen Kooxda Al-Shabaab.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay wehelinayaan Saraakiil sare oo katirsan Jubbaland iyo xubno labada gole ka socda waxaa ay soo kormeereen xerada oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland,iyadoo Madaxweynuhu uu Khudbad dhiiro gelin ah u jeediyay Askarta.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu ku amaanay sida ay dhabar adayga ku dayashada mudan u muujiyeen Ciidamada qalabka sida oo maalmo ka hor iska caabiyay weerar ay ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada ka jirta wadanka,ayuu sheegay Madaxweynahu, in Jubbaland looga baahan yahay isku tashi dhinaca amaanka ah iyo in ay sida ugu dhaw u bilaabanayaan hawlgalada Al-Shabaab lagaga xoraynayo meelaha ay  gobolka kaga sugan yihiin.

“Caasimadii Jubbaland waxaa ay wali ku jirtaa gacanta cadawga waxaa hubaal ah in Ciidanka ay tahay in ay halkaas tagaan oo ay xoreeyaan waa idinka Jarmal miyuu cirka inooga soo daadan waa maya” ayuu yiri Madaxweynahu.

Al-Shabaab ayuu sheegay in ay jabeen islamarkaana loo baahanyahay oo kaliya in la is raaciyo firxad kooda.

“Al-Shabaab maanta inagaa Dowlad ahaana ka xoog badan Mustaqbal ahaana idinkaa ka sharaf badan oo ka niyad wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Ciidamadii ka qayb qaatay dagaalkii Al-Shabaab lagu jabiyay ayuu Madaxweynuhu sheegay in la abaal marinayo oo ay helayaan si joogta ah xuquuqda ay leeyahiin loogana baahan yahay in ay ka qayb qaatan hawlgalada la isugu furayo deegaanka.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu wakhti badan galin doono isku dubaridka Ciidamada inta uu Gobolka joogo isla markana wax badan oo wanaagsan ay qaban doonan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...