Ciidamada Xasilinta oo degmada Deyniile howlgalo ka wada,markii rasaas ay kala kulmeen kooxo hubaysa

Date:

Ciidamada isku dhafka ah ee Xasilinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ku guda jira howlgalo qeyb ka ah sugidda amniga magaalada ayaa la kulmay kooxo hubaysan oo rasaas kala hor yimid ciidamadaasi.

Iska hor imaadkan ayaa yimid markii Ciidamada Xasilinta ay howlgalo ka bilaabeen qeybo kamid ah degmada Deyniile gaar ahaan halka loo yaqaano Haanta-Dheer,halkaasi oo ay ku suganyihiin maleeshiyaad hubaysan oo ciidamadaasi rasaas ku soo furey lamana xaqiijin karo khasaaraha ilaa iyo haatan.

Sida uu ku soo waramayo wariyaheen Maxamed Xasan Cali oo la socoda Ciidamada Xasailinta,Howlgalka ayaa bilowday gelinkii dambe ee xalay, welina waa  uu socdaa,iyadoo haatan la maqlayo dhawaqa rasaasta, ciidamadu ayaa isku dayayo in la soo afjaro howlgalkaasi,gacantana lagu dhigo deblaydaasi hubaysan.

Qaar kamid ah qoysakii degnaa nawaaxiga Deegaanka Haant-Dheer ee Degmada Deyniile, oo barakacayaal u badan ayaa bilaabay in halkaasi ay isaga cararaan,si ay uga fogaadaan waxyeelo soo gaarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...