Ciidamada Xasilinta oo degmada Deyniile howlgalo ka wada,markii rasaas ay kala kulmeen kooxo hubaysa

Date:

Ciidamada isku dhafka ah ee Xasilinta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ku guda jira howlgalo qeyb ka ah sugidda amniga magaalada ayaa la kulmay kooxo hubaysan oo rasaas kala hor yimid ciidamadaasi.

Iska hor imaadkan ayaa yimid markii Ciidamada Xasilinta ay howlgalo ka bilaabeen qeybo kamid ah degmada Deyniile gaar ahaan halka loo yaqaano Haanta-Dheer,halkaasi oo ay ku suganyihiin maleeshiyaad hubaysan oo ciidamadaasi rasaas ku soo furey lamana xaqiijin karo khasaaraha ilaa iyo haatan.

Sida uu ku soo waramayo wariyaheen Maxamed Xasan Cali oo la socoda Ciidamada Xasailinta,Howlgalka ayaa bilowday gelinkii dambe ee xalay, welina waa  uu socdaa,iyadoo haatan la maqlayo dhawaqa rasaasta, ciidamadu ayaa isku dayayo in la soo afjaro howlgalkaasi,gacantana lagu dhigo deblaydaasi hubaysan.

Qaar kamid ah qoysakii degnaa nawaaxiga Deegaanka Haant-Dheer ee Degmada Deyniile, oo barakacayaal u badan ayaa bilaabay in halkaasi ay isaga cararaan,si ay uga fogaadaan waxyeelo soo gaarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada ah.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay heshiisyo lala galay dowladdo..

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii...