Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFSโ€Waxaa dhaqan galay goโ€™aankii Qoondada Khaadka”

Date:

Muqdisho(SONNA) Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dambeeyey markii maantaย  masโ€™uuliyiinta Wasaaradda ay kormeer ku tageen Garoonka diyaarahadaha iyagoo u kuurgalaya, dhaqan galka goโ€™aanadaasi.

Wasiirk ku xigeenka ย Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Diiriye Khaliif oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogtadaha Abuukar Maxmed Daahiye iyo Agaasimaha guud C/llaahi Xayir Ducaale ayaa la kulmay ganacsatada qaadka soo degsatay,si ay u hubiyaan dhaqangalka goโ€™aanadaasi,oo ujeedkiisu ahaa xalka gaarisata murano iyo isbar bar yaac ka taagnaa arrimahaasi sida ay mas’uuliyiintu ay sheegeen.

Mudane Maxamed Diiriye Khaliif Wasiirk ku xigeenka ย Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa warbaahinta Qaranka uga warrmaya goโ€™aankaasi dhaqan galkiisa.

โ€œWaxaan maanta u imaanay halkani in aan u kuur galno Degreeto ay soo saartay Wasaaradda ayna ogyihiin Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada,Maaliyadda, iyo ciidamada Booliska qeybta qaabilsan Canshuuraha,taasi oo ahayd in aan wax ka bedelnay qaabkii uu ku imaan jiray qaadka anagoo goโ€™aansanaya in Muqdisho iyo Shabeelooyinka ay imaadaan 14 Tan maanta ayuuna dhaqangalay, way mahadsanyihiin ganacsatadii amarkaasi qaadatayโ€, Ayuu Yiri Wasiir kuxigeenka Ganacasiga iyo Warshadaha.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale xusay in diyaaradii Khaadka gayn jirtay magaalada Jowhar la joojiyay islamarkaana Muqdisho uu ku soo degaayo,isagoo xusay in wadatashiyo lala yeeshey ganacsatada Khaadka la isku waafaqay in qoondo loo sameeyo.

Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ugu baaqay ganacsatada dhamaan in ay dhaqan geliyaan goโ€™aanada ka soo baxay Wasaaradda,islamarkaana xusay in qofkii ka dhaga adeega sharciga lala tiigsanayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...