Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS”Waxaa dhaqan galay go’aankii Qoondada Khaadka”

Date:

Muqdisho(SONNA) Hadalka ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dambeeyey markii maanta  mas’uuliyiinta Wasaaradda ay kormeer ku tageen Garoonka diyaarahadaha iyagoo u kuurgalaya, dhaqan galka go’aanadaasi.

Wasiirk ku xigeenka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Diiriye Khaliif oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogtadaha Abuukar Maxmed Daahiye iyo Agaasimaha guud C/llaahi Xayir Ducaale ayaa la kulmay ganacsatada qaadka soo degsatay,si ay u hubiyaan dhaqangalka go’aanadaasi,oo ujeedkiisu ahaa xalka gaarisata murano iyo isbar bar yaac ka taagnaa arrimahaasi sida ay mas’uuliyiintu ay sheegeen.

Mudane Maxamed Diiriye Khaliif Wasiirk ku xigeenka  Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa warbaahinta Qaranka uga warrmaya go’aankaasi dhaqan galkiisa.

“Waxaan maanta u imaanay halkani in aan u kuur galno Degreeto ay soo saartay Wasaaradda ayna ogyihiin Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada,Maaliyadda, iyo ciidamada Booliska qeybta qaabilsan Canshuuraha,taasi oo ahayd in aan wax ka bedelnay qaabkii uu ku imaan jiray qaadka anagoo go’aansanaya in Muqdisho iyo Shabeelooyinka ay imaadaan 14 Tan maanta ayuuna dhaqangalay, way mahadsanyihiin ganacsatadii amarkaasi qaadatay”, Ayuu Yiri Wasiir kuxigeenka Ganacasiga iyo Warshadaha.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale xusay in diyaaradii Khaadka gayn jirtay magaalada Jowhar la joojiyay islamarkaana Muqdisho uu ku soo degaayo,isagoo xusay in wadatashiyo lala yeeshey ganacsatada Khaadka la isku waafaqay in qoondo loo sameeyo.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa ugu baaqay ganacsatada dhamaan in ay dhaqan geliyaan go’aanada ka soo baxay Wasaaradda,islamarkaana xusay in qofkii ka dhaga adeega sharciga lala tiigsanayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...