Magaaladda Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle waxaa ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay ee tartanka loo galayo doorashadda Madaxtinimo ee Maamulkaasi
Saacadihii ugu dambeeyay magaalada Jowhar waxaa laga dareemayaa tartanka dooroshada Madaxweynaha Hirshabeele oo ay u taagan yihiin Musharaxiin gaaraya sideed ruux.
Maalinta Sabtiga ah ayaa Baarlamaanka Maamulkaasi waxaa ay dooran doonaan Madaxweynaha Hirshabeele kaa soo baddali doona Madaxweynihii Hore Cali Cabdulaahi Cosoble oo ay kalsoonida kala laabteen Xildhimaanada Maamulkaasi.
Waxyaabaha ugu badan oo ay soo jeediyeen ayaa waxaa kamid ah horumarinta Deegaanada Maamulka Hirshabeelle sida,Waxbarashada,Caafimaadka,Shaqo abuurka,Amniga deegaanadaasi.,
Tartanka Madaxtinimo oo ay goob joogayaal ka yihiin xubnaha guddiga doorashada HirShabeele.waxaa musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimo kamid ah:-
1:Daahir Cabdulle Cawaale
2:C/raxmaan Xuseen Caddow
3:Yuusuf Axmed Hagar (Yuusugdabageed)
4: Maxamed Caruushe Diirow
5:C/naasir Xaaji Shurwac Maxamuud.