Guddoomiye “Jawaari” oo soo xirey Bandhigga Buugaagta Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Muddane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya,ayaa maanta soo xirey Bandhigga Buugaagta oo muddo sedex maalmood ah ka soconayay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari ayaa bogaadiayay dhamaan dadkii ka qeybqaatay soo bandhigista buugaagtan oo ay ahaayeen aqoonyahano Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradu ay ujeheeyaan bulshada dhanka horumarka,Caalamkana la tuso halka ay Soomaaliya hiigsanayso.

Sidoo kale waxaa maanta ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guudleed oo dhankiisa bogaadiyay dowrka aqoonyahanada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada.

Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho oo ay ku qornaayeen luuqado kaladuwan, ayaa waxaa fursad u heley dad badan in ay iibsadaan buugaag ay ku qoranyihiin macluumaadyo kaladuwan oo muhiim u ah.

Agaasimaha New Horizon Maxamed Diini oo ururkiisu uu soo qaban qaabiyey Bandhig Carweedkan ayaa sheegay in sanadkaan oo wax badan kaga badalan yahay bandhigyadii horey ay u soo sameeyeen.

Bandhigayada noocaan ah oo kale ah ayaa door wanaagsan ka qaadan kara in dadku ay ku baraarugaan ahmiyadda wax qorista iyo wa akhrista.

Sanadkii 3-aad ayaa Muqdisho lagu qabtay Bandhig Carweedka Buugaagta, waxaana qoraayaal Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh carwada ay ku soo bandhigeen buugaag ay ka qoreen mowduucyo kala duwan oo si gaar ah xooga u saarayey arimaha bulshada iyo ahmiyadda afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Sawir Qaade Maxamed Feereysane 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...