Guddoomiye “Jawaari” oo soo xirey Bandhigga Buugaagta Muqdisho+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Muddane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya,ayaa maanta soo xirey Bandhigga Buugaagta oo muddo sedex maalmood ah ka soconayay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Jawaari ayaa bogaadiayay dhamaan dadkii ka qeybqaatay soo bandhigista buugaagtan oo ay ahaayeen aqoonyahano Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in dhalinyaradu ay ujeheeyaan bulshada dhanka horumarka,Caalamkana la tuso halka ay Soomaaliya hiigsanayso.

Sidoo kale waxaa maanta ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guudleed oo dhankiisa bogaadiyay dowrka aqoonyahanada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada.

Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho oo ay ku qornaayeen luuqado kaladuwan, ayaa waxaa fursad u heley dad badan in ay iibsadaan buugaag ay ku qoranyihiin macluumaadyo kaladuwan oo muhiim u ah.

Agaasimaha New Horizon Maxamed Diini oo ururkiisu uu soo qaban qaabiyey Bandhig Carweedkan ayaa sheegay in sanadkaan oo wax badan kaga badalan yahay bandhigyadii horey ay u soo sameeyeen.

Bandhigayada noocaan ah oo kale ah ayaa door wanaagsan ka qaadan kara in dadku ay ku baraarugaan ahmiyadda wax qorista iyo wa akhrista.

Sanadkii 3-aad ayaa Muqdisho lagu qabtay Bandhig Carweedka Buugaagta, waxaana qoraayaal Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh carwada ay ku soo bandhigeen buugaag ay ka qoreen mowduucyo kala duwan oo si gaar ah xooga u saarayey arimaha bulshada iyo ahmiyadda afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Sawir Qaade Maxamed Feereysane 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...