Dalxiiseyaasha caalamka oo soo dhoweeyey ku soo biiritaanka Soomaaliya hey’adda Dalxiiska dunida

Date:

Muqdisho(SONNA) Shirka Hey’adda Dalxiiska adduunka oo ka dhacay sannadka magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha ayaa looga arrinsaday arrimaha dalxiiska caalamka iyo sida loo horumarin karo.

Shirkan oo labadii sannoba mar la qabto, ayaa waxaa guul taariikhi ah ka soo hoydey Soomaaliya oo si rasmi ah uga  mid noqotay 159-ka dal ee hey’adda Dalxiiska dunida ku mideysan.

Guushaan ay Soomaaliya gaartay waxaa ka soo shaqeysay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo si xeyladeysan uga shaqeysay arrintan, kana gadday caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashiga Dalxiiska, kuna wanaagsan tahay in loo soo dalxiistago.

Horraantii Bishii June Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa booqdey  xarunta Dalxiiska caalamka ee Madrid oo ka tirsan dalka Spain, isagoo ku soo qanciyey masuuliyiinta hey’adda Dalxiiska in fursadda Soomaaliya u baahan  tahay la siiyo, isla markaana ku soo bandhigay Kheyraadka dhinaca Dhulka, Badda iyo magaalooyin ee ay Soomaaliya heysato, kuwaas oo ay uga horreyso dalal badan oo caalamka ku yaalla.

Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan sharuudaha looga baahnaa, kuwaasoo laga doodey  iyadoo ay difaacayeen masuuliyiin ka socotay wasaaradda Warfaafinta oo uu ka mid yahay latliyaha dhinaca Dalxiiska Yaasir Baafo kaddib Soomaaliya ayaa heshay cod Akhlabiyad leh, iyadoo noqotay waddanka 159-aad ee ku biira hey’addan, waxaana uga horreeyey waddamada Cameron iyo waddamada Carabta iyo Africa qaarkood, halka Falastiin ay soo buuxin weydey sharuudaha Dalxiisnimo.

Qorshahan ayaa ka mid ah barnaamijka Nabad iyo Nolo lee Xukuumadda oo ka turjumaya in Dalxiisku uu qeyb weyn ka soo qaadan doono kaabayaasha iyo kobaca dhaqaalaha dalka oo dhan.

Yaasir Maxamed Baafo La taliyaha dhinaca Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka caalamiga ah ee Dalxiiska waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabatay burburkii iyo dagaalladii sokeeye, una badeshay horumar, dib u dhis, kobac dhaqaale iyo midnimo, taasoo uu ku tilmaamay in fursad buuxda ay u siineyso dalka in loo soo dalxiis tago, Soomaaliduna ay yihiin dad ku  horreeya martigelinta iyo soo dhoweynta.

Yaasri ayaa khudbaddiisa ku soo hadal qaadey oo yiri  “haddaba ii ogollaada in aan idin xasuusiyo Soomaaliyada dhabta ah ee 1991-kii ka hor, Soomaaliya waxay ahayd waddan ka mid ah wadamada Afrika ugu awoodda weyn, dowlad wanaag, dal nadiif iyo doog ah, nabad ah, taariikh leh iyo khayraadka dalxiiska oo dhabiici ah  kuna  faanto dalkeeda, oo Soomaaliya xiligaas dunida ayaa looga imaan jiray” sidaas ay ahaataba Soomaaliya dalxiiskeeda ma guurin weli khayraadkii waa inoo sidoodii dadkuna waxay ku dalxiisaan si raaxo iyo ixtiraam leh.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...