Tababar ku saabsan hababka doorashooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan hababka kala duwan ee doorashooyinka ayaa loo qabtay xubno ka socay hey’adaha qaabilsan arrimaha doorashooyinka iyo shaqaalaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Aqoon is waydaarsigan waxaaa soo qaban qaabiyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Aqoon is waydaarsigaan oo socondoona muddo  Sadex maalmood ah ayaa waxaa fuaray  gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaacil Ibraahim  (Xaliimo Yareey .)

Qubaro ku xeeldheer  arrimaha doorashooyinka ayaa bixinaya casharro ka tarjumaya habka kala duwan ee doorashooyinka, iyadoo xubnihii ka qeybgalay aqoon is waydaarsiga ay is dhaafsaden aragtiyo la xiriira mowduuca.

Dr.  Daahir Mirre Jibriil xoghayaha  guud ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aqoon is waydaarsigan uu ahmiyad leeyahay ayna ka soo bixidoonaan qodobbo dhaxalgal ah,  ayna la wadadagi doonaan hey’adaha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Guddiga madaxa bannaan ee  doorashooyinka Qaranka  ayaa wajibaadkiisu yahay in dalka uu gaarsiyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka waxa ayna wadaan dadaallo arintaas loogu diyaar garoobayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi...

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...