Qoysas barakacayaal ah oo la gaarsiiyay deeq raashin ah

Date:

Raashinka gargaarka ah ee loo qaybiyay qoysaskan ka soo barakacay abaarihii sanadkaan ka dhacay dalka ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday dowladda Turkiga, waxaana ay gaarayaan dadka ka faa’iideystay ku dhawaad 10 kun oo qoys, waxaana gaarsiiyay raashinka mas’uuliyiin ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha Qaranka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed .

Dadkaan la gaarsiiyay Raashinka macaawinada ah oo badankoodu ka soo barakacay gobollada Koonfur Galbeed, isla markaana ku nool degaanada Garasbaaley iyo ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ayaa ka hadlay raashin qaybinta waxaana uu xusay in dadkaasi ay si weyn ugu baahi qabeen raashinkaa la gaarsiiyay isla markaana ay dhowr jeer ka maamul ahaan codsiyo ku aadan in wax loo qabto u gudbiyeen maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Maaliyadda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Aadan Sate ayaa uga mahadceliyay maamulka Garasbaaley sida ay ula tacaaleen xaaladda dadka ku soo barakacay deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

“Dadkaan waa dadkii ka soo barakacay Koonfur Galbeed gaar ahaan Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool waxaana ay ka soo barakaceen abaartii sanadkaan ku dhufatay dalka, raashinka maanta aan u qaybineyno waa kun iyo shan boqol oo tan oo Koonfur Galbeed la siiyay goobaha kale ee aan ka qaybineyno waxaa ka mid ah Ceelasha biyaha iyo goobo kale “ayuu yiri mudane Cabdiraxmaan.

Raashinka la gaarsiiyay wax badan kama tari karo dadkaan marka la eego daruufaha ay ku nool yihiin hase yeeshee dhowr maalin ayuu dabka u shidi karaa waxaana dadkaas sidii loo bad badai lahaa noloshooda u istaagay markii ay soo barakaceen Bulshada ku nool Gobolka Banaadir .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho oo Qoreysa Taariikh Cusub.

Magaalada Muqdisho waxay maanta qortay taariikh baal dahab ah...