Jowhar oo lagu qabtay Siminaar la xiriira baahinta nidaamka Dowladdaha hoose

Date:

Muqdisho (SONNA):- Siminaarkan oo ku saabsanaa sidii bulshada loo gaarsiin lahaa nidaamka dowladaha Hoose, isla markaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaannada Hirshabeelle ayaa maanta la soo gabo gabeeyay, iyadoo diiradda lagu saaray sidii bulshada loo fahamsiin lahaa nidaamka dowladaha Hoose.

 Guddoomie ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo la hadlay Warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in sameynta goleyaasha deegaanka ay tahay mid muhiim  u ah nidaamka dowladnimo, isagoo xusay inay waxbadan ka barteen inta uu siminaarka socday.

Sheekh Xuseen Cismaan mar uu ka hadlayay arrinta ku aadan dhismaha goleyaasha deegaanka ayaa sheegay inay noqon doonaan kuwa iyaga dhexdooda iska soo dooranaya, isla markaana aysan jiri doonin qof kor laga keenayo.

Hirgelinta nidaamka dowladaha Hoose ayaa ah qorshe ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukumadda Soomaaliya ku dooneyso inay la dhameytiro hanaanka Federaalka ee ay qaadatay dowladda, si maamul goboleedyada looga hirgeliyo goleyasha deeegaanka oo ay noqoto mid ay iska soo doortaan dadka qofka ay rabaan in u matalo golaha deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...