Bandhigga Buugaagta Muqdisho oo maalintii 2-aad galay +Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA)—Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho ayaa galay maalintiisii Labaad, iyadoo ay halkii ka socdeen soo bandhigidda Buugaata ku kala qoran Afaf kala duwan, waxaana Dadweynaha ka qeyb galay Bandhig Carweedka Buugaagta ay fursad u helayaan in ay cilmi kororsadaan, qaarkood ayaana iibsanayey buugaagta goobta lagu soo bandhigay.

Agaasimaha New Horizon Maxamed Diini oo ururkiisu uu soo qaban qaabiyey Bandhig Carweedkan ayaa sheegay in sanadkaan oo wax badan kaga badalan yahay bandhigyadii horey ay u soo sameeyeen.

Maalinta beri ah oo noqonaysaa maalintii sedexaad ee uu socda Bandhigga buugaagta ayaa lafilayaa in la soo geba gebeeyo,iyadoo madaxa ilaa dadweyne ay si isku mid ah ugu qeybgaleen shalay ilaa maanta .

Bandhigayada noocaan ah oo kale ah ayaa door wanaagsan ka qaadan kara in dadku ay ku baraarugaan ahmiyadda wax qorista iyo wa akhrista.

Sanadkii 3-aad ayaa Muqdisho lagu qabtay Bandhig Carweedka Buugaagta, waxaana qoraayaal Soomaaliyeed oo rag iyo dumarba leh carwada ay ku soo bandhigeen buugaag ay ka qoreen mowduucyo kala duwan oo si gaar ah xooga u saarayey arimaha bulshada iyo ahmiyadda afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...