Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geeridii suxufi Abdullahi Osman Moalim

Date:

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid suxufi Abdullahi Osman Moalim oo dhaawac ka soo gaaray qaraxii Beledweyne, maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Inaa Lillaahi, Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana qoyskii marxuumka, maamulka idaacada Codka Hiiraan iyo TV-ga Jubbaland iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid suxufi Abdullahi Osman Moalim oo Muqdisho ku geeriyooday isagoo isbitaal ugu jirey dhaawac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyn 10kii September 2017.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal naftooda u hura dalkooda, marwalbana ku shaqeeya daruufo aad u adag, waxeyna naga wada mudan yihiin inaan u wada istaagno taageeradooda iyo sidii aan u kobcin laheyn tayadooda, xirfadooda iyo aqoontooda si ay u sii labo jibaaraan howlaha ay Qaranka u hayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...