Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geeridii suxufi Abdullahi Osman Moalim

Date:

Mogadishu, 13 09 2017: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid suxufi Abdullahi Osman Moalim oo dhaawac ka soo gaaray qaraxii Beledweyne, maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Inaa Lillaahi, Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, waxaana qoyskii marxuumka, maamulka idaacada Codka Hiiraan iyo TV-ga Jubbaland iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid suxufi Abdullahi Osman Moalim oo Muqdisho ku geeriyooday isagoo isbitaal ugu jirey dhaawac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay magaalada Beledweyn 10kii September 2017.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal naftooda u hura dalkooda, marwalbana ku shaqeeya daruufo aad u adag, waxeyna naga wada mudan yihiin inaan u wada istaagno taageeradooda iyo sidii aan u kobcin laheyn tayadooda, xirfadooda iyo aqoontooda si ay u sii labo jibaaraan howlaha ay Qaranka u hayaan.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...