Saldhigyo Argagaxisada Al shabaab ku Dhuumaaleysanayeen oo la Duqeeyay

Date:

Muqdisho (SONNA) Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo is garabsanaya ayaa duqeyn culus ka fuliyay Saldhigyo Al shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose Aadan Cumar madoobe ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Saldhigyada la weeraray ay hore kaga carareen Al shabaab, ka dib hawlgalo dhowr ah oo lagu beegsaday, keymaha oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen ayay dib ugu soo laabteen Saldhigyadan, iyagoo doonayay inay qaraxyo ka soo abaabulaan oo shacabka ay ku dhibaataayeen,balse waxaa ka war helay Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo Mareykan ah, waxaana weerar duqeyn ah xalay lagu laayay Argagaxisada oo dhabar jab xoogan la gaasriiyay iyadoo Guddoomiyaha uu sheegay sida loo xaqiijiyay in Maleeshiyo ka baxsatay duqeynta aysan jirin.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in aysan jirin khasaaro soo gaaray dadka rayid ah, isagoo ku amaanay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka inay xaqiijiyaan markasta meelaha weerarka ay ku qaadayaan si shacabka aan dhibaato loo gaarsiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...