Goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad Soomaaliyeed oo boob loogu geystay K/Afrika

Date:

Muqdisho(SONNA) Shacab Koonfur  Afrikaan ah oo careysan ayaa habeenkii xalay ahaa boobay goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaalay xaafad lagu magacaabo Paarl oo qiyaastii 40 km u jirta magaalada Cape Town ee Dlakaasi.

Sida uu ku soo waramayo wariyeheena Koonfur Afrika C/llaahi Oorhse, Talaabadan ayaa la sheegay in ay ka dhalatay kadib muran gacan ka hadal sababay oo dhexmaray mid kamid ah Soomaalida ku nool deegaankaasi iyo dad kale, waxaana markiiba isku bedeshey in bood iyo dhac loo geysto goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Ciidamada Police-ka ayaaa gaaray goobta uu falka ka dhacay,waxaana u suura gashay in ay xakameeyeen rabashadaha ka dhashay arrintaasi wallow aan la ogeyn ilaa iminka cid loo soo qabtay falkaasi.

Dukaamada la boobay oo ah saddax ayaa waxaa la sheegay in uu ku jiray dukaan lagu iibinayay alaabaha jumlada ah ee lagu iibiyo dukaamada yaryar ee Soomaalida ku leeyihiin tuulooyinka hoos yimaada xaafada Paarl ee magaaladaasi Cap Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa in muddo ah ka jirey dhibaatooyin xoogan oo loo geysanayo dadka Ajaanibta ah oo ay ku jirto Soomaalida,waxaa ka dhaca dilal qorsheysan,afduub iyo handadaad,war bixin dhawaan la soo saarey ayaa lagu sheegay in Koonfur Africa ay ku jirto liiska 20 dal ee dunida ugu khatarta badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed,...

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...