Goobo ganacsi oo ay lahaayeen dad Soomaaliyeed oo boob loogu geystay K/Afrika

Date:

Muqdisho(SONNA) Shacab Koonfur  Afrikaan ah oo careysan ayaa habeenkii xalay ahaa boobay goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo ku yaalay xaafad lagu magacaabo Paarl oo qiyaastii 40 km u jirta magaalada Cape Town ee Dlakaasi.

Sida uu ku soo waramayo wariyeheena Koonfur Afrika C/llaahi Oorhse, Talaabadan ayaa la sheegay in ay ka dhalatay kadib muran gacan ka hadal sababay oo dhexmaray mid kamid ah Soomaalida ku nool deegaankaasi iyo dad kale, waxaana markiiba isku bedeshey in bood iyo dhac loo geysto goobo ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Ciidamada Police-ka ayaaa gaaray goobta uu falka ka dhacay,waxaana u suura gashay in ay xakameeyeen rabashadaha ka dhashay arrintaasi wallow aan la ogeyn ilaa iminka cid loo soo qabtay falkaasi.

Dukaamada la boobay oo ah saddax ayaa waxaa la sheegay in uu ku jiray dukaan lagu iibinayay alaabaha jumlada ah ee lagu iibiyo dukaamada yaryar ee Soomaalida ku leeyihiin tuulooyinka hoos yimaada xaafada Paarl ee magaaladaasi Cap Town ee Dalka Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa in muddo ah ka jirey dhibaatooyin xoogan oo loo geysanayo dadka Ajaanibta ah oo ay ku jirto Soomaalida,waxaa ka dhaca dilal qorsheysan,afduub iyo handadaad,war bixin dhawaan la soo saarey ayaa lagu sheegay in Koonfur Africa ay ku jirto liiska 20 dal ee dunida ugu khatarta badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Madaxweynaha JFS oo khudbad ku saabsan xaaladda dalka u jeedin doono Xildhibaannada Labada Aqal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay gobolka Galguduud

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo...

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Haashimi ee Urdun, Jamhuuriyadda...