Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Safiirka UK ee Soomaliya oo kulan yeeshay “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA):- Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar, iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiiro ka tirsan Koofur galbeed, Xildhibaano iyo xubno kale, kadibna waxaa loo galbiyay Madaxtooyada maamulka K/Galbeed, iyagoo kula kulmay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan.

Kulanka ay wada yeesheen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Danjire David Concar, ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga, Abaaraha, dib u dejinta Barakacayaasha iyo dib u habeyn lagu sameeyo Wabiga

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuurdiin Yuusuf, ayaa Wariyeyaasha sharraxaad ka siiyey markii uu idlaaday Kulanka  dhex maray Madaxweynaha Koofur galbeed iyo wafdigii la socday Safiirka Boqotooyadda Britain ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Dowladda Ingiriiska ay balan qaaday Mashaariic ay ka mid yihiin in ay dayactirto Wabiga Shabeelle, si uu u keydiyo biyaha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...