Faah faahin ka soo baxaysa qarixii goor dhow Muqdisho ka dhacay

Date:

Muqdisho(SONNA) Inta la xaqiijiyay qof shacab ah iyo dhagar qabihii gaariga waday ayaa ku geeriyootay 9 qof kalena waa ay ku dhaawacmeen  kadib markii gaari nuuca raaxada ah oo uu watay dhagar qabe ku xirnaa waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay wadada Maka Almukaramah,gaar ahan meel u dhow Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta kula hadlay goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashey qaraxaasi.

“Qarax ay soo maleegeen kooxihii dhagar qabayaasha ayaa halkani ka dhacay,waxaana ku dhintay 1 qof oo shacab ah iyo dhagar qabihi gaariga qarxay waday,runtii lama yaqaano halka uu u socday, balse ma uu san gaarin hadafkiisa uu damacsanaa”, Ayuu yiri Qaasim Axmed Rooble.

Xiliga qaraxa uu dhacayay oo ahayd abaaro 5:00 Galabnimo oo 30 daqiiqo dhiman,ayaa waxaa goobtaasi ku sugnaa dad badan oo shacab ah,gaariga nuuciisu waxaa lagu sheegey in uu yahay nuuca raaxadda ah in kastoo uu basbeeley ayna adagtahay in sirasmi ah loo ogaado.

Dadka dhaawacyada ka soo gaarey qaraxaasi ayaa durba loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho, goobta qaraxaasi uu ka dhacay ayaa kamid ah meelaha ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho.

Tani ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka ay maleeshiyada Shabaab ku hayaan bulshada Soomaaliyeed,iyo beegsiga dadka waxgalka u ah bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...