Jabhadda hubaysan ee Rohingya oo xabad joojin ku dhawaaqdey si gar gaar loo garsiyo muslimiinta dhibaataysan

Date:

Xabad joojinta oo ay ku dhawaaqdey Jabhadda Muslimiinta Rohingya ee ka dagaallanta gudaha dalka Myanmar ayaa ujeedkeedu yahay in gar gaar la gaarsiyo dadkaasi,iyagoo ugu baaqey ciidamada Myanmar in ay qaataan xabad joojintaasi.

Rabshadah ka taagan dalkaasi ayaa waxaa uu bilowdey kadib markii Jabhadda oo lagu magacaabo Arakan Rohingya Salvation Arm laba todobaad ka hor weerar ku qaaday ilaa 30 saldhig oo ay leeyihiin booliska iyo milateriga Myanmar,taasi oo keentey in ciidamada dalkaasi ay si toos ah u beegsadaan muslimiinta Rohingya,

Kumanaan qoys ayaa laga barakiciyaay guryohooda,waxaana si wada jir ah u xasuuqaya dadkaasi rayidka ah cidamada Dalkaasi iyo kooxo kale oo taageersan,waxayna galeen wadanka Bangaldhesh o xad dhow la leh Myanmar.

Jabhadda ayaa ugu baaqday hay’adaha gargaarka inay kaalmeeyaan dhammaan dadka ku nool deegaannada ay colaaddu saamaysay, ayagoo aan u eegeyn qowmiyad ama diinta ay aaminsan yihiin.

Dhibaatooyinka ka taagan dalka Myanmar ayaa waxaa si wada jir ah uga hadlay wax ka qabashadooda madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Dayip Erdogan oo la xiriiray hogamiayah dalkaasi An-sun Suki,iyadoo gar gaarkii ugu horeeyey uu gaarsiyay Turkigu shacabka Rohingya.

Muslimiinta Rohingya ayaa ah kuwo aan haysanin aqoonsi muwaadinimo, waxaana arrintani ay tahay mid in muddo ah soo jiiytamaysay,dowladda ayaa u diiday in ay u aqoonsato muwaadiniin dalkaasi u dhashey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...