Qeybti ugu horeysay ee aradydii deeqda waxbarasho ka heley Shiinaha oo gaarey Beijing

Date:

Ardaydani oo qeyb ka ah ilaa 50 arday oo dhawaan deeq waxbarasho ka heley Dolwadda Shiinaha ayaa garey magaalada Beijing ee caasimadda Dalka Shiinaha.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey ardaydaasi qaar ka mid ah mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Dalka Shiinaha.

Dr C/raxmaan max’ed Sheekh oo ah u qeybsanaha xafiiska waxbarashada iyo dhaqanka ee Safaaradda oo muddo 27 sano kadib markii ugu horeysay dib looga furay shiinaha ayaa Wakaaladda SONNA u sheegey in ay halkaasi gaareen qeybtii koowaad ee ardaydaasi oo deeqda waxbarasho heley.

“Waxaa na soo garey qaar kamid ah ardaydii deeqdaasi waxbarasho heley, si fiican ayaa loo soo dhaweeyey,waxaana ku wareejinay jaamacaddii ay dhigan lahaayeen, waxbarashadooda ayaya si toos ah u bilaabayaan,waqtiyada soo socdana waxaa lasugayaa kuwa kale”, Ayuu yiriDR C/raxmaan.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa waxaa safiir ka ah Mudane Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusf Dheeg) oo ah mas’uul xilal kaladuwan soo qabtay.

Sanadahan dambe waxaa sii xoogeysanayay xiriirka dhanka diblomaasiyadda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha,ayadoo Dowladda Shiinaha ay xafiiskeeda ka furatay magaalada Muqdisho

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...