Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo dhagax dhigay dhismaha wadada Janaraal Daa’uud.

Date:

Mudane Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqamagaalada Muqdisho Muqdisho ayaa saaka dhagax dhigay dib u dhiska wadada Janaraal Daa’uud oo isku xirta Taaladda Daljirka iyo wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraaid uu ku qabtay saaka magaalada Muqdisho guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu kaga hadlay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska goobaha danta guud sida waddooyinka burbursan.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay wadadan Janaraal Daa’uud si rasmi ah ay u bilaabatay dib u dhiskeeda,isagoo intaasi ku daray in la dhisi doono dhamaan waddooyin burbursan ee dhexmara degmooyinka magaalada Muqdisho.

Wadad Janaraal Daa’uud oo xiriirisa Taalada Daljirka iyo wadada Sodonka ayaa kamid ahaayd meelaha burburka uu ka muuqdo,waxaana ay muhiim u tahay isu socodka dadka iyo gaadiidka maadaama ay xiriiriso degmooyin dhowr ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...