Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo dhagax dhigay dhismaha wadada Janaraal Daa’uud.

Date:

Mudane Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqamagaalada Muqdisho Muqdisho ayaa saaka dhagax dhigay dib u dhiska wadada Janaraal Daa’uud oo isku xirta Taaladda Daljirka iyo wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraaid uu ku qabtay saaka magaalada Muqdisho guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu kaga hadlay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska goobaha danta guud sida waddooyinka burbursan.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay wadadan Janaraal Daa’uud si rasmi ah ay u bilaabatay dib u dhiskeeda,isagoo intaasi ku daray in la dhisi doono dhamaan waddooyin burbursan ee dhexmara degmooyinka magaalada Muqdisho.

Wadad Janaraal Daa’uud oo xiriirisa Taalada Daljirka iyo wadada Sodonka ayaa kamid ahaayd meelaha burburka uu ka muuqdo,waxaana ay muhiim u tahay isu socodka dadka iyo gaadiidka maadaama ay xiriiriso degmooyin dhowr ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...