Madaxweyne farmaajo “Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga Dalka, markaan la sheekaystay cidkasta, in aad tihiin Geesiyaal Sooma-jeestayaal ah”

Date:

 

Muqdisho; September 9, 2017 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa halkaas salaan sharaf ku siiyey Madaxweynaha. Sidoo kale, Saraakiisha Soomaaliyeed ee tababarka ka bixiya dugsigaan ayaa Madaxweynuhu la yeeshay kulan gaar ah.

Maamulka iyo Saraakiisha Dugsiga Tababarka Ciidamada Jeneraal Goordan waxa ay Madaxweynaha uga warbixiyeen kaalinta ay ka qaataan sugidda amniga dalka, gaar ahaan howlgallada xasilinta Caasimadda, barnaamijka hub ka dhigista, la dagaallanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabad diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Intaas ka dib, waxa uu Madaxweyne Farmaajo khudbad dhiiri gelin ah u jeediyey askar tiradoodu kor u dhaafayso 1200, oo tababar gaar ah uu uga socdo dugsiga Jeneraal Goordan.

“Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga, markaan la sheekaystay Ajnabi, AMISOM, beesha caalamka iyo cidkastaba in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah. Xaqiiqiyanna meesha ay galaan aan ka soo noqonayn in ay guul ka keenaan mooyee.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Xayiraadda dhanka hubka ee Soomaaliya saaran ayuu ku tilmaamay Madaxweynuhu mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn ee hor taagan dib-u-soo kabashada Ciidanka Xoogga Dalka, balse waxa uu xaqiijiyey in dowladdu ay sameynayso dadaal kasta oo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu uga mahadceliyey dowladda Imaaraadka Carabta hir gelinta xaruntan iyo kaalinta ay ku leeyihiin qalabaynta iyo dib-u-dhiska ciidamada.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka...