Heyโ€™adda UNDP oo soo saartay daraasaad ku saabsan xag-jiriinta

Date:

Muqdisho(SONNA) Heyโ€™adda UNDP ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa soo saartay Warbixin cusub oo ay ku sheegtay in sababaha ugu weyn ee dhallinyarada Afrika ku riixaya in ay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ah ay ugu wacan tahay saboolnimada, shaqo laโ€™aanta iyo fursadaha nolosha oo aan soo gaarin.

Warbixintan oo ah ย tii ugu horreysay ee nooceeda ah ay soo saarto ย Heyโ€™adda UNDP ee QM u qaabislan dhanka mashaariicda horumarinta, ayaa lagu soo bandhigay kulan ka dhacay magaalada Newyork ee xarunta QM.

Xog uruurin iyo wareysi lala yeeshey ,ilaa 495 dhallinyaro ah oo ku biirey Alshabaab iyo Boko Haram, taasi oo heyโ€™adda UNDP wadday muddo ku dhow 2 sano, ayaa muujinaysa in sababa ugu badan ay qeyb ka yihiin duruufo badan sida iyagoo ka baqaya in loo awood sheegto ama dhibaatooyin kale.

Wakaaladda wararka SONNA oo soo xiganaysa warbixnta UNDP ayaa sheegtay in ilaa 6 wadan oo kamid ah Africa ay saameeyeen rabshadaha argagixisanimada ku dhisan, waxaana ka mid ah, Burkina Faso, Cameroon, Cรดte dโ€™Ivoire, Nigeria, Somalia iyo ย Uganda sida daraasaadkaasi lagu sheegay.

Warbixinta waxaa baaq looga soo jeediyay Dowladaha in ay dib u eegis ku sameeyaan howlgalada millitary ee dhacaya, si looga gaashaanto, xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixinta ayaa aad loogu xusay in Dhallinyarodu helin fursado wax barash,o waxaa sidoo kale jira dhibaatooyin kale oo ka dhashey dhaqaale laโ€™aan qoysaska, taasi oo sahlaysa in dhallinyarada looga faaโ€™idaysto arrimahaasi oo is biirsaday.

Agaasimaha hayโ€™dda UNDP Abdoulaye Mar Dieye oo warbixintaasi ka jeediyay xarunta QM ee magaalada Newyork ayaa sheegay inta badan bulshooyinka ku nool Qaaradda Africa ay ku nool yihiin nolol aad u hooseysa,waxaa bar bar socda sida warbixinta lagu sheegay shaqo laโ€™aan baahsan oo heysata dhallinyaradda wadamada Afrika intooda badan.

Xog ururinta warbixinta ayaa saldhig u ahaa suโ€™aalaha ku aadan, duruufaha qoysaskooda,fursadaha koriimada iyo waxbarashada iyo aqoontoodi diimeed iyo fikrad ahaan wax ay aaminsan yihiin, kuwaasi oo qeyb ka ah wax yaabaha horseeda in dhallinta ku nool wadamada Aftica ay kooxaha hubaysan ay ku biiraan.

Heyโ€™adda UNDP ayaa sheegtay in dad lagu qayaasayo 33,300 qof ay naftoodi ku waayen rabshadaha Argagixisanimo, intii u dhexeysay 2011 ilaaย  2016 ,weerarada Bokoharaam kaliya ayaa waxaa ay sababeen dhimashada 17,000 iyo barakacaya 2.8 milyen kuwaasi oo u qaxay waddamada deriska ah.

Wadamada Kenya iyo Nigeria ayaa la sheegay in sidoo kale rabshadahaasi hubeysan ay saameeyeen dalxiiskii iyo maalgashigii tooska ahaa ee wadamada dibadda uga imaanayay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...