Waxgarad iyo Siyaasiyiin kahadlay arragtidooda ku aadan go’aanka Xukuumadda ee Qalbidhagax

Date:

Muqdisho(SONNA) Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ka hadlay Arragtidiisa ku aadan Go’aanka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadatay Arrinta Cabdi kariin Qalbidhagax, oo ah Sargaal ka tirsan Jabhada ONLF, isagoo nabadoonka sheegay in go’aankaasi uu soo dhoweynayo, uuna yahay mid lagu badbaadinayo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed.

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Qalbi dhagax uu kasoo jeedo Urur mucaarad ah, oo dagaal ku haya Dal dhisan, dowladda Soomaaliyana aysan gabbaad u noqon Karin, maadaama uu yahay Shaqsi aaminsan Fikrad ku saleysan Burburin, waxaana uu xusay in dalka Soomaaliya uu u joogay dhibaato iyo shar in uu maleego.

“Arrintaasi annaga waan soo dhoweyneynaa, Dowladuna mowqifka ay ka istaagtay waa mid sax ah oo loo baahnaa loogana fadhiyey waxaana leeyahay ma qabno in dadka Soomaaliyeed masiirkooda, dowladnimadooda iyo Soomaalinimada  in la lug gooyo, shaqsi aanan ogeyn wuxuu ku saleysan yahay iyo urur mucaad ah, oo dowladaha deriska ah dagaal kula jira, in gabbaad dowladda ay u noqoto  ma qabno sax inay tahay, mana taageereyno, waxaan leenahay marka dowladda way ku saxan tahay go’aankeeda” ayuu yiri Nabaddoon Xaad.

Sidoo kale Nabad doonka ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxuu ku amaanay Maxaabiistii ay kasoo deysay Xabsiyada Ethiopia iyo dadaalada ay ugu jirto sidii xoriyadooda ay ku heli lahaayeen   kuwa ku harsan xabsiyada wadankaasi, Shacabka Soomaaliyeed ayuuna u sheegay in Dowladda ay ku taageeraan Go’aanada noocaan oo kale ah ee looga hortagayo Argagixisinimada.

Sidoo kale Salaad Cali Jeelle, oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed xilal kala duwanna kasoo qabtay dowladihii ku meel gaarka ahaa ayaa isna sheegay in uu taageersan yahay go’aanka Xukuumadda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Dowladda iyadoo tix galineyso hishiisyadii hore ee ay kala saxiixdeen Ethiopia iyo Dowladii hore ee Soomaaliya go’aankan ay qaadatay, si loo dhameystiro howlihii qabyada ahaa.

“Arrimihii maalmahan socday oo la hadal haayey ee ku saabsan Qalbi dhagax oo horana aan uga hadlay, shalay Dowladda waxay kasoo saartay bayaan cad oo shacabka soomaaliyeed ay kula hadleyso , runtii waxay carabka ku dhufatay hishiisyo hore oo dowladii ka horeeysay gashay oo dhigaayeen in dhibaatooyinka labada dal dadka kawada keeni kara in nabadgalyada wax u dhibaan la iska kaashado” ayuu yiri siyaasi Salaad Cali Jeelle.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...