Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Batrooka iyo Heshiiska Isu-celinta Maxaabiista ee India iyo Soomaaliya

Date:

Muqdisho, 07 September 2017 – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedka Batrooka, Heshiiska isu-celinta maxaabiista ee India iyo Soomaaliya iyo arrimo kale.

Wasiirka Amniga ayaa golaha siiyey warbixin dhanka amniga ah sheeegeyna in ammaanka uu aad u fiicanyahay, ayna socdaan dadaalo lagu sii xoojinayo.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey diyaar garowga ciidanka XDS ee qiimeynta sidii ciidamada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen ammaanka dalka.

Golaha ayaa waxaa la horkeenay Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida oo abuuri doona in la dhiso Hay’ada Xaqsiinta Ciidamada si ciidamada howlgabka ah, kuwa dhaawacma ee curyaama iyo agoontaba loo siin lahaa waxii ay xaq u leeyihiin. Golaha ayaa loo qeybiyey nuqulka Hindise Sharciyeedka si ay u soo darsaan oo kulamada danbe loo ansaxiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa golaha soo hordhigay Heshiis ay Dowladdaha India iyo Soomaaliya kala saxiixdeeen ee isu-celinta maxaabiista, oo suurtogelin doona in maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India la keeni doono dalkooda hooyo. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey heshiiskan oo loo gudbin doono Baarlamaanka.

Wasiirka Batroolka ayaa Golaha u soo gudbiyey Dib u eegis lagu sameeyey Sharcigii Batroolka ee 2008dii. Dood dheer ka dib golaha wasiirradu ayaa ansixiyey. Sharcigan ayaa abuuraya Hay’ada Batroolka Soomaaliyeed iyo Shirkada Batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo la howlgeli doonta shirkada caalamiga ah ee Shidaalka ee Soomaaliya ka howlgala.

Golaha ayaa isku raacay in Xeer Hoosaadka Golaha Wasiirada dib u eegis lagu sameeyo iyadoo loo xilsaaray guddi ka soo baaraandega. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay Qorshaha Waxqabadka 6da bilood ee soo socota iyadoo la isku raacay in wasaarad walba ay soo gudbiso qorshaheeda si loola xisaabtamo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay hormarinta xariirka diblomaasiyadeed ee labada Dal.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasaaradda Qorshaynta oo Wadatashi Istiraatiijiyadeed la yeelatay Hay’adda WFP ee 2026–2030

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka...