Muqdisho(SONNA) Goobaha Ganacsiga ee magaalada Qardho ee Gobolka Bari Ayaa ย Saakay Ahaa kuwoย Gabi Ahaanba Albaabada U xirnaa, Shacabka Usoo Adeeg Tagi Jiray Suuqayada Lagu Iibsho Qudaarta Hilibka Iyo Goobaha kale ย Ee Ganacsiga Ayaa Ku Waabariistay Xirnaasaha Goobahaasi.
Abaara 9;00 Subaxnimo Ayaa Shacabka magaalada ย oo Cabiraya Dareenkooda ayaa Socdaal Dheer Kusoo Maray Waddooyinka Waaweyn Ee Degmada Qardho kuwaasi oo ka soo horjeeda diidmada ku aadan lacagaha Shillin Soomaaliga ah.
Barxada Suuqa Weyn Oo Markii Danbe Ay Isugu Tageen Dibadbaxayaasha Ayaa Ugu Horeynba Halkaasi waxaa Kula Hadlay Guddoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere wuxuunaย Sheegay In Shillin Soomaaliga La Socodsiiyo, Dowladuna Ay Isla Qaadateen In Dhamaan La Adkeeyo Koontaroolada Lacagaha Ay Kasoo Galayaan.
โMarka hore waxaa idinka codsanaynaa in aad is dejisaan,lacagaha Shillin Soomaaliga waa la socodsiinayaa, dadka diidan talaabo ayaa laga qaadayaa waana isla afgaranay maamulka,waxaana la xakamayndoonaan lacagaha been abuurka ah ee suuqyada la soo gelinayoโ, Ayuu yiri guddoomiyah Qardho.
Xaliimo Jawaasi oo Ku Hadlaysay Afka Dibadbaxayaasha Ayaa Sheegtay In Ay Doonayaan Lacagtooda Isku Soo Baxooda Ayeey Ku Sheegtay In Uu Yahay Mid Dantooda Ay Uga Hadlayaan Waxayna Eedamo Ay U jeediyeen Sariflayaasha Iyo Shirkadaha Waaweyn, kuwaasi oo ay ku tilmaameen in ay ka shaqeynayaan wax buslhada dhib ku ah.