Qabanqaabadii ugu dambeysay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka socota Jowhar

Date:

Jowhar(SONNA)–Qabanqaabadii ugu Dambeysay ee doorashada Madaxweeynaha Hirshabeelle ayaa maanta ka Socota Magaalada Jowhar ee Caasimafdda Maamulkaasi, waxaana aad loo adkeeyay Ammaanka Magaaladaasi.

Ciidamada Amaanka ee Dawlada iyo Kuwa Amisom ayaa xoojiyay Ammanka goobta loogu talagalay in lagu qabto Doorashada, waxaana Magaalada ku xardhan sawirada qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan Madaxtinimada Maamulka Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulkaasi Maxamad Cali Caadle ayaa sheegay in Doorashada Maamulka Hirshabeelle lagu wado inay dhacdo 12 bishan, iyadoo ay Musharaxiintuna ay diyaargaroow ugu jiraan howshaasi, ayna ku qabsoomi doonto sidii loogu talagalay haddii ilaah yiraahdo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulkaasi oo Warbaahinta wareysi siiyay ayaa tilmaamay in Doorashadaasi lagu wado inay ka dhacado Hoolkii ay ka dhacday doorashadii tan ka horreysay ee Magaalada jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, halkaasi oo lagu doortay Madaxdii iyo Xildhibaanada Maamulkaasi.

Mar la weydiiyay su’aal aheyd kalsooni intee la eg ayaad ku qabtaan in doorashadani ay si habsami ah u dhici doonto, wuxuuna ku jawaabay “wax shaqaaaqo ah ma dhici doonaan, mana laga baqaayo, waxayna u dhacaysaa sidii loogu talagalay haddii uu ilaah yiraahdo, bulshadaani waxay baratay in cod lagu kala kaado, mana ka fileyno wax liddi ku ah doorashadaasi”.

Wasiir waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax mad-madow ah oo ku kala dhex jira Xidhibaanada Maamulka Hirshabeelle, lana filaayo in ay ka qeybqaataan sidii ay u dhici laheyd doorasho xalaal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...