Guddoomiye Jawaari iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay iskaashiga baarlamaanada labada Dal

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh ย Cusmaan (Jawaari) iyoย  Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker oo xalay ku kulmay magaalada Muqdisho ayaaย  kawada hadlay xoojinta iskaashiga Baarlamaanada labada Dal.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabddalla Cawad, waxaana ay kawada hadleen masโ€™uuliyiintani iskaashiga Baarlamaanada labada Dal iyo mataanaynta guddiyada labada baarlamaan.

Mudane Maxamed Sheekh Cusman (Jawaari) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya kala hadlay sidii loo dedejin lahaa dhismaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo ay kal hore balan qaadeen.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa warbaahinta Qaranka uga warramay waxyaabihi kulankasi ka soo baxay.

โ€œGuddoomiyuhu wuxuu safiirka kala hadlay arrimaha iskaashiga baarlamaanada labada dal, mataanaynta ย guddiyada labada baarlamaan, sidoo kale safiirka wuxuu warbixin ka siyay guddoomiyaha qorshaha dhismaha xarunta golaha shacabka, waxaana la isku afgartay in dhismo KMG ah laga sameeyo xarunta Villa Harggeysa, halkasi oo lagu shaqeynayo dhismaha xarunta baarlamanka ilaa 6 bilood ayay qaadanaysaa, ilaa intaasi halkan ayaa lagu shaqeynayaaโ€, Ayuu yiro mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin muhiim ah ku leh taageerada Soomaaliya,sida dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha,amaanka iyo dib u dhiska,waana Dowladda Kaliya oo ka mid ah Caalamiga ah oo wax muuqda ka qabtay dalka.

ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...