Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mar kale isku afgartay siideynta Maxaabiista ku harsan Xabsiyada Dalkaasi

Date:

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Dhiggiisa Dalka Itoobiya   Hailemariam Desalem kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyada Dalkaasi.

War ay  Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ka heshey xafiiska Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in Ra”iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu  Khadka teleefoonka kula hadlay Ra”iisul Wasaaraha Itoobiya, waxaa ayna mas’uuliyiintani ay siweyn uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed, ee weli kujira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Hailemariam Desalem Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa aqbalay codsiga uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa Dowladda Itoobiya waxay ku soo wareejisay Dowladda Soomaaliya maxaabiis tiradooda ay kor u dhaafeyso 140 qof, kuwaasi oo haatan kusugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...